Xiddig ka tirsan Liverpool oo kooxaha yar yar la meel dhigay Manchester United!

(Liverpool) 10 Dis 2018 Daafaca kooxda Liverpool ee Andrew Robertson ayaa hoos u dhigay awooda Manchester United ka hor kulanka Axada.

Liverpool oo hal dhibic ku hogaaminaysa Premier League xiliciyaareed kaan ayaa marti qaadi doonta Axada Manchester United oo ay ka jiifto.

Andrew Robertson ayaa sheegay in Axada ay kulan yar la ciyaari doonaan Manchester United, wuxuuna xooga saarayaa kulanka habeen dambe ee Napoli.

24 jirkaan oo la hadlay Webka kooxdiisa ayaa yiri:

“Waan garanaynaa muhiimada kulanka talaadada iyo waxa ay tahay inaan samayno, kadibna kulan yar ayaan la ciyaari doonaa Manchester United”.

“Diyaar ayaan u nahay kulamadaas, isbuucyadaan waa kuwo aad jeclaanayso inaad ahaato laacib ka tirsan Liverpool, laba kulan oo waa wayn ayaan ku ciyaaraynaa Anfiled, jawiguna wuxuu noqon doonaa mid hagaagsan”.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close