XARFAAN waa WAYN oo uu hogaaminayo Lionel Messi oo Xalay isugu yimid Garoonka Real Madrid ee Bernabeu….(DAAWO SAWIRRO XUL AH)

(Madrid) 10 Dis 2018. Gegada Bernabeu ee kooxda Real Madrid ayaa xalay marti galisay xiddigo waa wayn oo caan ka ah kubbada cagta kuwa hore iyo kuwa dambe kuwaa oo u soo wada daawasho tagay kulankii lugta labaad ee Finalka Copa Libertadores ee u dhexeeyay River Plate iyo Boca Juniors.

River Plate ayaa ku adkaatay 3-1 iyadoona koobka ku qaaday isku cel celis goolal dhan 5-3.

Kulankan oo ka mid ah kulamada ugu xiisaha badan kubbada cagta ayaa waxaa xalay xiiso gaar ah u sii yeelay inay u soo daawasho tageyn xiddigo waa wayn oo uu ka mid yahay Lionel Messi, Ronaldo kama soo muuqan goobta  inkastoo isna lagu marti qaaday garoonkiisii hore ee Bernabeu.

Sawirrada waxaa ka muuqanaya, dhaliyaha Inter Milan Icardi iyo Madaxwayne ku xigeenka kooxdaasi ee Javier Zanetti  iyo dhowr xiddig oo ka socota kooxda Juventus, Sida Dybala, Bonnuci iyo Chillini

Haddaba DAAWO SAWIRRADA Xiddigihii xalay ku sugnaa Bernabeu:

Jordi Alba and Leo Messi

Diego Godin and Antoine Griezmann

Cholo Simeone

Esteban Cambiasso and Chori Dominguez.

Javier Zanetti

Mauro Icardi and Wanda Nara

Giorgio Chiellini

Paulo Dybala, Chiqui Tapia and Angel Correa.

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close