RASMI: Joe Gomez oo heshiis waqti dheer ah u saxiixay Liverpool

(Liverpool) 10 Dis 2018 Da’yarka daafaca uga ciyaara Liverpool ee Joe Gomez ayaa qalinka ku duugay maanta heshiis waqti dheer ah.

21 jirkaan ayaa u saxiixay kooxdiisa Liverpool heshiis uu ku sii joogayo garoonka Anfield ilaa June 2024, taageerayaasha kooxda ayaana si wayn ugu farxay tilaabadaan uu qaaday Joe Gomez.

Wuxuu sheegay in heshiis kaan cusub uu isaga uga dhigan yahay inuu helay adduunka oo dhan, wuxuuna intaa ku daray inuu ku faraxsan yahay fursadaan uu helay.

“Saxiixida heshiis kaan cusub wuxuu ii la mid yahay adduunka oo idil” ayuu yiri Joe Gomez kadib markii uu saxiixay heshiis waqti dheer ah.

“Waxaan joogay halkaan sanado badan, waxaan aad ugu faraxsanahay inaan sameeyo tijaabadaan, sidaas darteed waan ku faraxsanahay inaan helo fursadaan cusub”.

“Waan jeclahay kooxdaan, waan jeclahay inaan ka ciyaaro halkaan iyo inaan wax ka barto, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan la sii joogo kooxdaan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close