Klopp oo si weyn u garab istaagay Raheem Sterling, kadib falka cunsirinimo ay kula kaceen jamaahiirta Chelsea

(England) 10 Dis 2018Tababaraha kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa ka hadlay arinta ku saabsan laacibka kooxda Manchester City ee Raheem Sterling, kadib markii uu jamaahiirta kooxda Chelsea kala kulmay fal cunsirinimo.

Hadaba Raheem Sterling ayaa arintan kaga hadlay Boggiisa rasmiga ah ee Instagram-ka wuxuuna ku eedeeyay saxaafada dalka England inay sabab buuxa u tahay cunsuriyeeynta ka jirta gudaha garoomada.

Hadaba tababare Jurgen Klopp ayaa kaga hadlay arinta ku saabsan Raheem Sterling shirka jaraa’id uu kaga soo muuqday kahor kulanka Champions League ay habeen dambe kula ciyaaro doonaan garoonka Anfield kooxda reer Talyaani ee Napoli.

“Waan daawaday ciyaarta, waxaan sidoo kale daawaday falka arintan ku saabsan, lakiin wax war ah kama helin”.

“Waxaan sii tix raacay fal celinta uu sameeyay Raheem Sterling inta ciyaarta ay socotay iyo xitaa kulanka kadib, wuxuu ahaa mid aad u fiican, dadka sidaas sameeyay uma qalmaan in la ixtiraamo ama xitaa la fiiriyo waxa ay sheegayaan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close