Arthur Melo oo la yaabay go’aankii uu ka qaatay tababare Valverde

(Barcelona) 10 Dis 2018 Arthur Melo ayaa la yaabay go’aankii tababare Valverde uu uga saaray liiska xiddigihii uu u soo xushay kulankii Espanyol.

22 jirka reer Brazil ayaa si wacan uga qayb qaatay tababarkii ka horeeyay kulankii Espanyol, laakiin wuxuu si lama filaan ah u arkay isaga oo ka maqan liiska xiddigihii loo soo xushay kulanka sida ay baahisay Mundo Deportivo.

Image result for arthur melo Valverde

Wararka ayaa intaa ku daraya in tababare Valverde uusan wax eed ah ku lahayn go’aankii uu qaatay maadaama waaxda caafimaadku aysan u soo gudbin warqadii ogolaanshaha ee Arthur Melo inuu si buuxda taam u yahay.

Laacibka reer Brazil ayaa ku dhaawacmay kulankii Barcelona ay barbaraha la gashay Atletico Madrid, wuxuuna ku qasbanaaday inuu seego kulankii Espanyol.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close