“Anigu ma TABIN Messi ee isagaa I TABAY waayo…..”.- Cristiano Ronaldo

(Europe) 10 Dis 2018. Cristiano Ronaldo ayaa ka dhawaajiyay inuusan u xiisan Lionel Messi balse uu laacibka reer Argentina isaga u xiisay.

Xiddiga reer Portugal ayaa sheegay in laga yaabo in Messi uu u baahan yahay wax badan sidaas darteed wuxuu ku casuumay inuu kula soo biiro horyaalka Talyaaniga.

Labada xiddig ee lagu tilmaamo kuwa ka mid ah laacibiintii ugu fiicnaa ebid ee soo mara kubbada cagta adduunka ayaa 9-sano ku xifaaltamayay horyaalka La Liga ee Spain, balse Ronaldo ayaa suuqii xagaaga u hawo badeshay horyaalka Talyaaniga taa oo ka dhigan in Messi uu waayay wax kula tartama abaal marinada horyaalka Spain.

Jariiradda Gazzetta dello Sport  ayaa Ronaldo awaydiisay haddii uu u xiisay ama uu tabay Lionel Messi,wuxuuna ku jawaabay:

“Maya, laga yaabee inuu isagu i tabay!

“Intii uu Messi joogay Spain oo kaliya waxaan ka soo ciyaray England, Spain, Italy iyo Portugal. Laga yaabee inuu in badan ii baahan yahay.

Tokeo la picha la Messi and Ronaldo

“Aniga ahaan noloshu waa tartan. Waan ka helaa midaa waxaan kaloo jeclahay inaan dadka ka farxiyo.

“Waxaan jeclaan lahaa inuu maalin uun yimaado Talyaaniga sideyda oo kale marka dhinac la iska dhigo tartanka.

“Sikastaba, haddii uu ku faraxsan yahay Spain waan tixgalinayaa midaa”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close