“Waa wax Qariib ah.”.- Hazard oo ka hadlay in Xalay laga ciyaarsiiyay Booskii uu ka ciyaarsiin jiray Antonio Conte

(London) 09 Dis 2018. Chelsea ayaa guul daradii ugu horreysay Premier League kal ciyaareedkan xalay gaarsiisay Manchester City oo ay 2-0 uga badisay.

Kante iyo David Luiz ayaa howsha ka cabay wiilasha Pep Guardiola, laakiin Sarri ayaa kulanka ku soo galay shax aan laga fileyn.

Wuxuu keydka ku cabay labadiisa weeraryahan ee Alvaro Morata iyo Olivier Giroud isagoona False 9 ciyaarsiinayay Eden Hazard oo kulanka si wayn uga muuqan waayay inkastuu si qurxoon uga shaqeeyay goolkii Kante isla markaana uu cadaadis ku hayay daafacyada City.

Tababarihii laga ceyriyay Chelsea Antonio Conte ayaa marar badan booskaasi ku qasbi jiray Hazard.

Laacibka oo la waydiiyay haddii uu ku faraxsanaa booska laga ciyaarsiiyay ayaa yiri:

“Dareenka wuxuu yare ahaa mid Qariib ah, waayo kubbada wax badan kuma taabto booskan.

“Laakiin kal ciyaareedkii hore ayaan ka ciyaaray booskan markii uu joogay Conte, sidaa darteed waan garanayaa waxa la sameeyo.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close