Real Madrid oo ku adkaatay Gool Caato ah…..(Benzema oo ay si Xun uga Madoobeyd)+SAWIRRO

(Spain) 09 Dis 2019. Real Madrid ayaa gool madi ah kaga adkaatay naadiga SD Huesca kulan ka tirsanaa wareega 15-aad ee horyaalka La Liga.

Qeybta hore ee ciyaarta ayay Los Blancos la timid goolka caatada ah.

Bilowga ciyaarta daqiiqadii 8-aad Gareth Bale ayaa dhammeystiray baas uu ka helay Alvaro Odriozola .

Karim Benzema ayay kualnka ka madoobeyd oo xitaa hal Shot/Laad goolka lama bartilmaameedsan waana markii ugu horreysay kal ciyaareedkan dhammaan tartamada.

Goolhayihii Chelsea Thibaut Courtois ayaa markii ugu horreysay shabaqiisa ilaashada saddex kulan oo xiriir ah dhammaan tartmada tan iyo sidii uu ugu soo biiray Real Madrid.

Guusha ayaa Madrid uga dhigan inay ku jirto kaalinta afaraad ee La Liga iyadoona shan dhibcood u jirta Barcelona oo hogaanka ku fadhisa.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close