Raheem Sterling oo ka hadlay falka cunsirinimo ay kula kaceen jamaahiirta kooxda Chelsea

(London) 09 Dis 2018. Weeraryahanka kooxda Manchester City ee Raheem Sterling ayaa go’aansaday inuu faallo ka bixiyo, hadaladii ay ku cunsuriyeeyeen jamaahiirta kooxda Chelsea.

Jamaahiirta kooxda ka dhisan galbeedka magaalada London ee Chelsea ayaa lagu eedeeyay inay cunsuriyeeyeen weeraryahanka kooxda Manchester City ee Raheem Sterling.

Falkan ayaa dhacay inta lagu gudi jiray kulankii xiisaha badnaa ee horyaalka Premier Leagu ay kooxaha Chelsea iyo Manchester City ay ku wada ciyaareen garoonka Stamford Bridge, kaasoo ka tirsanaa kulamada 16-aad ee xili ciyaareedkan.

Hadaba Raheem Sterling ayaa arintan kaga hadlay Boggiisa rasmiga ah ee Instagram-ka, wuxuuna ku eedeeyay saxaafada dalka England inay sabab buuxa u tahay cunsuriyeeynta ka jirta gudaha garoomada,

Laacibka kooxda Manchester City ayaa sheegay in ciyaaryahanka maqaarkiisu cadaanka yahay ay ula macaamilaan qaab ka duwan kan maqaarka madow,

Raheem Sterling ayaa hadalkiisa ku bilaaway: “Subax wanaagsan, waxaan rabaa inaan sheego inaanan ahayn qof inbadan hadla, laakiin marka aan dareemayo inaan u baahanahay inaan dareynkeyga muujiyo waan hadli doonaa”.

“Arinta ku aadan waxa ka dhacay kulankii Chelsea, sida aad ka arki kartid falcelintayda, waa inaan ku qoslaa oo kaliya, sababtoo ah ma filayo wax ka fiican”.

“Balse fiiriya sida wargeysku ay u gudbiyaan farriinta ku saabsan dhiirogelinta ciyaartoyga madowga ah iyo dhiirogelinta ciyaaryahanka cadaanka ah, waxaan u maleynayaa in gabi ahaanba aan la aqbali Karin”.

“Ciyaartoyda waa kuwo aan waxba galabsanin, mana sameynin wax khalad ah, balse waa sida kaliya ee sheekada loo qoray”.

Si kastaba kooxda Chelsea ayaa baaraysa kaamirooyinka ku xiran gudaha garoonka si loo hubiyo hadaladii lagu yiri Raheem Sterling xili uu ka qayb qaadanayay tuurista kubadd foorada u baxday.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close