“Neymar waa uu ku saxnaa inuu ka tago Barcelona” – Kaka oo taageere u muujiyay xiddiga ay isku dalka yihiin

(Paris) 09 Dis 2018 Halyeeyga reer Brazil ee Kaka ayaa kalsooni u muujiyay xiddiga ay isku dalka yihiin ee Neymar kaas oo ka tagay Barcelona.

Qaar kamid ah halyeeyada dalka Brazil ayaa dhaleeceeyay go’aankii Neymar uu uga tagay Barcelona xaggaagii 2017.

Image result for Neymar Kaka

Laakiin Kaka ayaa qaaday wadadaas mid ka duwan kadib markii uu taageeray go’aankii Neymar uu qaatay markii uu doortay ku biirida PSG.

“Neymar wuxuu u baahnaa kooxdiisa gaar ka ah si uu u noqdo hogaamiye, marka la joogo Barcelona wax walba waxay ku hareereysan yihiin Messi” ayuu yiri Kaka.

“Real Madrid wax walba waxay ku xirnaayeen Ronaldo, halka PSG ay dhisayso koox maalin uun ku guulaysan karta koobka horyaalada yurub”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close