HORDHAC: River Plate v Boca Juniors, Lugta Labaad Finalka Copa Libertadores

( Copa Libertadores ) 09 Dis 2018. Cayaarta Derby-ga ugu Argentina ayaa dhexmari doonta kooxaha River Plate iyo Boca Juniors lugta labaad ee finalka Copa Libertadores oo lagu dheelayo garoonka Santiago Bernabeu.

Labadan koox ayaa kulankii lugta hore bar-baro 2-2 ah galay kaddib markii cayaartii lugta labaad ee taageraayaasha River Plate ay weerareen Baskii cayaariyahanada Boca Junior iyadoo xiligaa la baaqiyay kulanka, waxaana ugu dambeyn la go’aamiyay in lagu dheelo Garoonka Real Madrid.

Kooxdii ku guuleysta koobka horyaalada kooxaha Koonfur Ameerika ayaa cayaari doona tartamada koobka kooxaha adduunka oo 12-bishan ka furmaya dalka Dubai.

Ogeysiiska Cayaarta

Tartanka: Finalka Copa Libertadores

Waqtiga: 22:30 pm ( SGA )

Garsooraha: Andrés Cunha ( Uruguay )

Garoonka: Santiago Bernabéu

Wararka Kooxaha

Xiddiga Rafael Santos Borre iyo maqnaashada Nacho Scocco ayaa sii kordhineysa madax xanuuna Marcelo Gallardo sidaa owgeed hal arin ayaa cad waana Lucas Pratto oo hogaamin doona weerarka.

Juan Quintero ayaa sido kale shaki ku jiraa sidaa darteed River laga yaabo inuu booska bilaasha uu cayaaro Pity Martinez kasoo ka dambeyn doona Pratto.

Kabtanka Leonardo Ponzio ayaa seegay kulankii lugta hore, laakiin wuxuu kusoo laabanayaa qadka dhexe.

Gallardo ayaa laga yaabaa inu lagu daro shanta daafac dhexe ee River Plate wuxuuna ka garab cayaarayaan Lucas Martinez.

Cristian Pavon ayaa laga yabaa inuu seego kulanka lugta labaad waqtiga lagu jadwaleeyay, laakiin waxaa la filayaa inuu taam noqdo markale isagoo weerarka kusoo bilaaban kara.

Ramon Abila wuxuu aha mid la nasiyay todobaadkii hore, laakiin waxaa suuragala inuu weerarka hogaamiyo isagoo kaga cadcad booskaa Dario Benedetto.

Pablo Perez ayaa kasoo kabtay dhawac ishaa oo soo gaaray markii la weeraray baskii ay saarnaayeen taaso sababtay in la baajiyo kulanka lugta labaad, laakiin waa mid u muuqda inuu safka kusoo bilaaban karo.

Esteban Andrada ayaa cadeeyay taam qabkiisa horyaalka tan iyo kulankii lugta hore sidaa daraadeed goolka kowaad ayuu ka badalayaa Agustin Rossi.

Xaqiiqooyinka Dheeshan

Labada koox ayaa dhaliyay 4-gool shantii kulan ee u dambeysay garoonka River; waxaana kamida seddaxdii kulan ee u dambeysay.

Isku celcelis ahaa 4-gool ayay dhalisay River seddaxdii kulan ee u damveysay dheeshan.

Labada koox ayaa kulmaya kulankii afaraad sanadkan 2018 tartan iyo kuwa aan tartan aheyn iyadoo River ay baaqi ku tahay guuldarro la’aan waxayna sheeganayaan 3-guul muddadaas.

Labada koox ayaa dhaliyay 4-gool lixdii kulan ee u dambeysay garoonka Boca.

Boca ayaa dhalisay ugu yaraan hal gool todobadii dheel ee u dambeysay.

Shaxda Macquulkaa

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close