Guardiola oo u hambalyeeyay Chelsea, kadib markii laga soo gabagabeeyay kooxdiisa Man City rikoodhkii guul darro la’aanta ahaa

(Premier League) 09 Dis 2018. Macalinkiisa reer Spain ee a Pep Guardiola ayaa qiray in kooxda Chelsea ay u qalantay guushii ay ka gaartay kooxdiisa Manchester City, kulankii 16-aad ee horyaalka Premier League ay xalay ku wada ciyaareen garoonka Stamford Bridge.

Kooxda ka dhisan galbeedka magaalada London ee Chelsea ayaa soo gabagabeysay rikoodhkii guuldarro la’aanta ahaa ee Manchester City kaddib markii ay uga badiyeen 2-0.

Pep Guardiola ayaa kulanka kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka wuxuu ku sheegay: “Waxay u ciyaareen si ka fiican sida aan u ciyaarnay, hambalyo Chelsea guushii aad gaarteen”.

“Waxaan u ciyaarnay si fiica qeybta hore ee ciyaarta, balse waa sidaas kubada cagta, marka aad bixiso qaab ciyaareedkan, hadii aan guuleysanno, wali waxaan joognaa bisha December, wali waxaa dhiman dhibco badan”.

“Waan guuldareysanay, lakiin hadii aad dhahdo si fiican ma aadan u ciyaarin, waxaan filayaa inaadan daawan ciyaarta”.

Pep Guardiola ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xiray ugu dambeyntii isagoo xaqiijinayay in koox kasta ay isku dayeyso sida ay guul kaga gaari lahayd Manchester City, isla markaana waxay sameynayaan dadaal dheeraad si ay arintan u gaaraan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close