Chelsea Xalay kama adkaan lahayn Man City haddii uu ka maqnaan lahaa Kabtankooda…(Bal EEG tuu dhigay Cesar Azpilicueta )

(London) 09 Dis 2018. Chelsea ayaa xalay guul daradii ugu horreysay Premier League kal ciyaareedkan gaarsiisay Manchester City kaddib markii ay ku martay 2- 0.

Laakiin guushaas ma suuroobi lahayn haddii uu Blues ka maqnaan lahaa kabtankooda Cesar Azpilicueta kaa oo ahaa xiddiga kooxda ee kulankii xalay ka dhacay Stamford Bridge.

Daafaca reer Spain ayaa sameeyay 13-jalaafo oo uu kubbad ku soo reebtay taa oo ka dhigan inay tahay tan ugu badan ee kulan ka dhacday Premier League ilaa iminka xilli ciyaareedkan.

Wuxuu kaalinta kala wareegay Xiddiga Everton Idrissa Gueye oo isagu 10-jalaafo sameeyay ciyaartii ay la yeesheen Arsenal Bishii September.

Azpiliceuta ayaa sidoo kale ku guuleystay 100% kubbada madaxa la isla boodo wuxuu sidoo kale sameeyay baasas saxan 93%.

Intaa oo kaliya maahanee wuxuu ka madoobeeyay uu jeebka gishtay Sane taa oo keentay in qeybta labaad la badelo.

EEG:

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close