Alvaro Morata iyo Olivier Giroud oo Akhbaar XUN helaya kaddib kulankii xalay ee Manchester City

(London) 09 Dis 2018. Tababaraha Chelsea Maurizio Sarri ayaa kulankii xalay ee Manchester City ka yaabsaday weeraryahannadiisa Olivier Giroud iyo Alvaro Morata kaddib markii uu keydka ugu dhameeyay.

Blues ayaa ciyaareysay False No.9 oo waxaa horay taagnaa Eden Hazard ciyaartii ay ka adkaadeen Manchester City.

Morata oo lagu soo bilaabay ciyaartii ay Chelsea guul darada kala kulantay Wolves ayaa xitaa xalay keydka laga waayay.

Tababare Sarri ayaana qishay inuu mustaqbalka sidan ku ciyaari karo False No.9 isagoona keydka u dhaa dhicinaya labadiisa weeraryahan.

Image result for Hazard and Sarri

“Hazard wuxuu qabay dhibaatooyin bilowga kulanka, laakiin waxaan aaminsanahay inuu qeybtii labaad dheelay ciyaar dhabtii aad u wayn,” Tababare Sarri ayaa sidaa yiri.

“Laga yaabee inuu u qalmay inuu gool dhaliyo kulanka, Waxaan aaminsahay inay ahayd dooq fiican, Dabcan mustaqbalka kulama qaar ayuu sidan oo kale weerarka uga ciyaari doonaa.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close