Maxamed Salaax oo Diiday Abaalmarinta Laacibka Kulanka kaddib guushii Bournemouth…( Ogoow sababta )

( Premier League ) 08 Dis 2018. Maxamed Saalax ayaa diiday abaalmarinta cayaariyahanka kulanka ee Man of the Match isagoo taa badalkeed go’aansaday in lagu sharfo James Milner oo saftay kulankii 500-aad xirfadiisa horyaalka  Premier League.

Geesiga Egypt Salah wuxuu ahaa xiddig si weyn kaga muuqday kulankii ay 4-0 ku xaaqeen Bournemouth wuxuuna dhaliyay seddaxley.

Xili uu ahaa mid hat-trick dhaliyay – misane Salaax  goolkiisa kowaad ayaa u muuqday offside ama leen ka bax taaso loo ogolaaday.

Image result for Mohamed Salah refuses Man of the Match award and gives it to James Milner after Liverpool midfielder makes 500th Premier League appearance

Labada cayaariyahan ayaa la wareystay kulanka kaddib, markaa oo Saalax la guddoonsiiyay abaalmarinta cayaarta taa uu ku muteystay bandhigiisa cayaareed.

Laakiin wuxuu muujiyay deeqsnioi cajiiba, isagoo Saalax diiday abaalmarinta badalkeedna siiyay xiddigii hore ee qadka dhexe England.

Isagoo ka hadlaya Milner, Salah ayaa yiri said: “Waxaan ugu hambalyeynayaa xirfadiisa cajiibka ah, isagaana u qalma Abaalmarinta.

“Waxaan rajeynayaa inaan wax kale ku guuleysano si wada jira sanadkaan laakiin ma qaadanayo tan ama Abaalmarinta laacibka kulanka.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close