Maxamed Saalax oo Gool indho daraan-dar ah dhaliyay (DAAWO)

(Liverpool) 08 Dis 2018 Weerar yahanka kooxda Liverpool ayaa galabta dhaliyay gool cajiib ah xili uu ka caawiyay kooxdiisa inay si ku meel gaar ah u qabato hogaanka Premier League.

Mohamed Salah ayaa dhaliyay 3-leey, goolkii ugu danbeeyay ayaana ahaa mid ay si wayn ula dheceen inta badan taageerayaasha kubadda cagta.

Xiddiga reer Masar ayaa haatan hogaanka gool dhalinta Premier League la qabtay weerar yahanka Arsenal ee Aubameyang oo isna kooxdiisa u ciyaaraya goor dhaw.

Halkaan ka DAAWO goolka cajiibka ah:

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close