Juventus oo qayb ka soo noqotay kooxaha xiisaynaya saxiixa Eden Hazard

(Turin) 08 Dis 2018 Juventus ayaa qayb ka soo noqotay kooxaha sida wayn u doonaya saxiixa xiddiga Chelsea ee Eden Hazard.

sida ay baahisay Telegraph, Juventus ayaa bilowday inay ka fikirto qaabkii ay ugu dhaqaaqi lahayd soo xerogalinta Hazard dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Image result for Hazard Juventus

Kooxda reer talyaani ayaa loolan adag kala kulmaysa Real Madrid oo la filayo in laacibku uu u dhaqaaqi doono suuqa xaggaaga ee 2019.

Sidoo kale, PSG ayaa qayb ka ah tartanka saxiixa Eden Hazard halka Manchester City ay ka soo muuqan karto liiska kooxaha doonaya saxiixa laacibka reer Belgium.

Juventus ayaa doonaysa in Ronaldo ay ku dhiirogaliso inuu sii joogo kooxda, waxayna dadaal badan ku bixinayaan sidii ay ula saxiixan lahaayeen xiddigaha ugu shidan yurub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close