“Ha suginina ku guulaysiga Premier League” – Mourinho oo runta u sheegay maamulka Manchester United!

(Manchester) 08 Dis 2018 Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa runta u sheegay maamulka kooxdiisa xili uu ka hadlayay ku guulaysiga Premier League.

Mourinho ayaa cadeeyay in Man United aysan fursad u heli doonin ku guulaysiga horyaalka ingiriiska haddii aysan wax iska badalin xaalada Manchester City.

Wuxuu sheegay inta Man City ay qarash xoog leh galinayso suuqa inay ku adkaan doonto Manchester United inay qaado Premier League.

Mourinho ayaa la waydiiyay waqtiga ay u baahan tahay Man United si ay ugu guulaysato Premier League, wuxuuna yiri:

“Ma garanayo, taasi waxay ku xiran tahay hormarkeena iyo hormarka kooxaha kale, haddii kooxaha naga horeeya ay sii wadaan hormarka iyo lacag bixinta joogtada ah booskeena ayaan iska joogaynaa”.

“Balse haddii ay joojiyaan lacag bixinta ama uu istaajiyo sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha yurub waa arin kale oo suurogal ka dhigaya inaan soo yarayno farqiga haatan noo dhexeeya”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close