Chelsea oo Jabisay kibirkii City….+SAWIRRO

( Premier League ) 08 Dis 2018. Chelsea ayaa soo gabagabeysay rikoodhkii guuldarro la’aanta Manchester City kaddib markii ay uga badiyeen 2-0.

Kulanka ayaa qeybta hore lagu kala maray 1-0, waxaana hogaanka Blues u dhiibay N’golo kante kaddib markii laad xoogan uu shaqaba ku hubsaday daqiiqadii 45-aad waxaana ka caawiyay Edan hazard.

City dhankeedu dhawr weerar oo halisa ayay ku sigeen goolka Chelsea iyagoo aad uga kubbad heysi fiicnaa.

Laakiin dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha dambe Chelsea ayaa wax ka badashay qaab cayaareedkoodii qeybta hore iyagoo soo bandhigay kubbad weerar ku dhisan.

David Luiz ayaa quusiyay kooxda Guardiola markii uu madax ka dhaliyay daqiiqadii 78-aad taasoo soo gabagabeysay rajadooda cayaarta.

Waa guuldarradii u horreysay ee xagaagan soo gaarta City iyo markii u horreysay oo ay guuldarreystaan kaddib 22-kulan kaddib.

Waxaan haatan hogaanka Premier League la wareegtay Liverpool oo dhibic ka sareysa difaacayaasha horyaalka markii 4-0 ay ku adkaadeen cayaar galabta dhacday Bournrmouth.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close