Maurizio Sarri oo qiray in Manchester City ay ka xoog badan tahay kooxdiisa Chelsea

(Chelsea) 07 Dis 2018. Macalinka reer Talyaani Maurizio Sarri ayaa qiray in Manchester City ay ka xoog badan tahay kooxdiisa haatan ee Chelsea.

Maurizio Sarri ayaa aaminsan in ay ogaadaan hadafkooda guud, si ay markale u noqdaan kooxda ugu xoogan uguna fiican qaaradda yurub.

“Waxaan dhihi karaa waqtigaan Manchester City way xoogan yihiin, laakiin ujeedkeena ugu sareeya waa inaan noqonaa kooxda ugu fiican ee qaarada yurub, sidaasi darteed waxaan u baahanahay inaan horumar sameyno”.

“Waan ognahay in kulanka soo aadan uu yahay mid aad u adag, balse 90-ka daqiiqo gudahood wax walba way dhici karaan, laakiin waa inaan aaminaa inaan ka guuleysan karno”.

“Sida aan horay u sheegay, waxaan u baahanahay dhiirigelin iyo go’aan qaadasho, waxaan qabaa inaan hormar sameyn karno, laakiin sidoo kale iyagana waxay sameyn karaan hormar”.

“Xilli ciyaareedkan si wanaagsan ayaan ku bilaabanay, waana inaan wajahnaa dhibaatooyinka qaar ee xili ciyaareedkan, waxaana u maleynayaa inay caadi tahay”.

“Xili dhow ama xili fogba waxaan la kulmi doonaa dhibaatooyin qaar ee ku aadan qaab ciyaareedkeena cusub, waana inaan isku daynaa inaan xallino dhibaatada”.

Si kastaba kooxaha Chelsea iyo Manchester City ayaa bari ku wada balasnsan inay ku wada ciyaaraan garoonka Stamford Bridge, mid ka mid ah kulamada 16-aad ee horyaalka Premier League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close