“Manchester City waxa kaliya ee ka maqan waa Aniga.”.- Eden Hazard

(London) 07 Dis 2018. Chelsea oo dagaal xoogan ugu jirta afarta sare ayaa Sabtida Stamford Bridge kula balansan kooxda ilaa iminka laga adkaan la’yahay ee Manchester City.

Xiddiga ugu shidan Blues ee Eden Hazard ayaa ammaan ugu qubeeyay kooxda Pep Guardiola ka hor kulankooda isagoona sheegay in waxa kaliya ee ka maqan waqtigan uu yahay isaga.

“Waxaan aaminsanahay in Man City ay xal naga badan innaga u hesho ciyaaraheeda,” Hazard ayaa sidaa yiri.

“Waxa kaliya ee ka maqan waa aniga Eden Hazard! taasi waa farqiga.”.

Tokeo la picha la Eden Hazard Manchester City shirt

“Chelsea waxay leedahay kubbad heysasho badan, laakiin badanaa waxaan ku tiirsanahay shaqsiyaad si goolasha loo dhaliyo.

“Man City waa koox wada ciyaareysa oo shaqsiyaad kuma tiirsana. Waad arki kartaa dhaq-dhaqaaqyo badan ay sameenayaan taa oo abuureysa boosas badan.

“Waxay abuuraan fursado badan, waxay dhaliyaan goolal badan waxayna leeyihiin jawaabo badan.”.

Hazard oo ugu dambeyn ka hadlaya muhimmad uu kooxdiisa u leeyahay kulanka berito ayaa yiri:

“Waqti xaadirkan weli waan ka niyad jabsannahay guul daradii Wolves maxaa yeelay kulanka innaga ayaa xukumeynay waxaana helnay fursado nagu filan si aan u guuleysano.

“Waa inaan falanqeynaa wixii naga qaldamay aana isku daynaa teena ugu fiican si aan isku hormarino sida ugu dhow ee ugu macquulsan.

“Haddii ay naga adkaato Manchester City waxaan ka dambeyn doonnaa 13-dhibcood waana farqi wayn.

“Laakiin waa inaan niyad sami muujino isla markaana aan dareen badan ku bixin kala sarreynta waqti xaadirkan.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close