Jorge Mendes oo ka hadlay mustaqbalka Jose Mourinho ee kooxda Manchester United

(Manchester) 07 Dis 2018. Jorge Mendes oo ah wakiilka Jose Mourinho ayaa ka hadlay wararka ku aadan inuu ka tagayo shaqada kooxda Manchester United xili ciyaareedka soo aadan.

Sida ay shaaca ka qaadeen warar dhawaanahan soo baxay in “Special One” uu dareemayo cadaadis badan xilli ciyaareedkan, ka dib natiijooyinkii xumaa ay la kulantay Red devils.

Dhinaca kale waxaa jira warar ku aadan in macalinka kooxda Tottenham Hotspur ee Mauricio Pochettino uu yahayn kan ugu dhow ee badalka u noqon kara Jose Mourinho.

Laakiin Jorge Mendes ayaa arintan soo afjaray kadib markii uu kaga hadlay wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Mirror” ee dalka England.

“Waxaa jira warar badan oo ku saabsan ka tagista Jose Mourinho ee kooxda Manchester United, tani run ma ahan”.

“Mourinho wuu ku faraxsan yahay kooxda Manchester United, sidoo kale kooxda way ku faraxsan yahay joogitaankiisa, wuxuu heystaa heshiis uu waqti dheer ku sii joogayo Red devils”.

“Wuxuu diirada saarayaa kooxda, iyo sida uu ku dhisi lahaa mashruuc soo jiidasho leh ee cusub”.

Si kastaba Manchester United ayaa waxay kaga jirtaa booska 8-aad ee dhanka kala sareynta horyaalka Premier League, kadib markii ay soo uruursatay 23 dhibcood, waxayna 18 dhibcood u jiraan hogaamiyaasha Manchester City.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close