“Zidane iyo Ronaldo ayaa ka fiican Mourinho iyo Messi” – Luka Modric

(Europe) 06 Dis 2018. Ciyaaryahanka kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa ka jawaabay su’aalo si toos ah loo weydiiyay kadib wareysi uu la yeeshay majaladda France Football.

Xidiga kooxda Real Madrid Luka Modric ayaa dhawaan loo caleymo saaray abaal marinta laacibka ugu fiican aduunka ay si gaar ah u bixiso majalada France Football ee Ballon d’Or 2018 isagoo ku garaacay xidigaha Cristiano Roanaldo iyo Antoine Griezmann.

Hadaba Modric ayaa u arkaa in saaxiibkiis hore ee Cristiano Roanaldo uu ka fiican yahay Lionel Messi, halka sidoo kale uu ka doorbiday Zinedine Zidane macalinka reer Portugal ee haatan leeliya kooxda Manchester United ee Jose Mourinho, inkastoo Jose uu sabab u ahaa imaatinka Modric ee garoonka Santiago Bernabéu.

Hadaba su’aalaha la weydiiyay Luka Modric inta uu ku gudi jiray wareysigii uu la yeeshay majaladda caanka ah ee France Football ayaa waxaa ka mid ahaa.

Keebaa wanaagsan Ronaldo ama Messi?

– Cristiano.

Xulkee ayaa door bideysaa Spain ama France.

– Spain.

Keebaa wanaagsan Zidane ama Mourinho.

– Zidane

Abaal marintee xiiseeneysaa Ballon d’Or ama FIFA The Best.

– Ballon d’Or.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close