Real Madrid oo weyn doonta AFAR ka mid ah xidigaheeda muhiimka ah kulanka caawa ee Copa del Rey

(Real Madrid) 06 Dis 2018. Santiago Solari ayaa sheegay inay ka maqnaan doonaan dhowr ciyaaryahan ee muhim ah kulanka ay caawa kula ciyaari doonaan kooxda Melilla Copa del Rey.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu xaqiijiyay in Gareth Bale, Toni Kroos, Casemiro iyo Nacho Fernandez ay dhamaantood seegi doonaan kulanka caawa ay kula ciyaari doonaan kooxda Melilla garoonka Santiago Bernabéu.

Gareth Bale iyo Toni Kroos ayaa kulankan ku seegaya sababa la xiriira inaysan isbuucan ka qeyb qaadan tababarka kooxda, halka Nacho Fernandez iyo Casemiro ay qabaan dhaawacyo kala duwan.

Waxaa la filayaa in ciyaartoy dhowr ah ee daqiiqado badan kasoo qeyb qaatay kulamadii lasoo dhaafay ay kulankan kasoo muuqan doonaan sida Marco Asensio Isco, Mariano Díaz iyo laacibka reer Brazil ee Vinícius Jr.

Saddexda ciyaaryahan ee Toni Kroos, Casemiro iyo Nacho Fernandez ayaa seegay kulankii ugu dambeeyey ee ay la ciyaareen Valencia, marka laga reebo Gareth Bale oo ciyaaray 90-ka daqiiqo ka hor inta uusan xanuun dareemin.

Si kastaba kooxda Real Madrid ayaa haatan qarka u saaran inay u gudubto wareega xiga ee 16-ka ee Copa del Rey, kadib markii ay lugtii hore ay ku soo xasuuqday kooxda Melilla 4-0.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close