Marouane Fellaini ma wuxuu Timihiisa isaga xiiray inuu Timo islaameed ku dhago!!?…(Bal EEG wuxuu sameeyay kulankii Xalay ee Arsenal)

(England) 06 Dis 2018. Mancheter United ayaa dhibic ka heshay Arsenal oo xalay marti ugu ahayd Old Trafford kaddib markii ay galeen bar baro 2-2.

Jose Mourinho ayaa daqiiqadii 73-aad garoonka ka saaray Rojo oo qalad ku lahaa goolkii labaad ee Arsenal iyadoona booskiisa lagu soo buuxiyay joog dheeraha Marouane Fellaini.

Yeelkeede, xiddiga dhawaan iska xiiray Timihii Afaro uu caanka ku ahaa ayaa markii uu soo galay ciyaarta ku dhagahay timaha dhaa dheer ee da’yarka Arsenal Mattéo Guendouzi.

Fellaini ayaa malaha xamili waayay xawaaraha dheer ee Guendouzi isagoona ula tagay shantiisa farood oo wuxuu ka soo jiiday timaha isagoona ku galay qalad balse nasiib wanaag falkaasi jaale laguma siin.

EEG SAWIRKA:

Image may contain: 1 person, playing a sport and outdoor

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close