Liverpool oo shaacisay mudada uu Gomez garoomada ka maqnaan doono, kadib dhaawacii kasoo gaaray kulankii Burnley

(Liverpool) 06 Dis 2018. Kooxda Liverpool ayaa shaacisay faafaahinta dhaawaca ka soo gaaray Joe Gomez kulankii xalay ay kula ciyaareen horyaalka Premier League kooxda Burnley.

Liverpool ayaa ku shaacisay website-keeda rasmiga ah in Joe Gomez uu dhaawac kasoo gaaray lugta bidix, taasoo ka dhigeysa inuu garoomada ka maqnaan doono ilaa lix isbuuc.

Waxaa la xaqiijiyay in Joe Gomez uu ka maqnaan doono kulanka Champions League ay kula ciyaari doonaan kooxda Napoli, iyo sidoo kale kulamo qaar ee adag ay Liverpool kula ciyaari doonto horyaalka Premier League kooxaha Manchester United, Arsenal iyo Manchester City.

Si kasyaba kooxda Liverpool ayaa fadhida booska 2-aad ee dhanka kala sareynta horyaalka Premier League, waxayna 2 dhibcood oo kaliya u jirtaa hogaamiyaasha Manchester City, kadib 15 kulan ilaa iyo haatan laga soo ciyaaray xili ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close