Kooxda Melbourne ee jaaliyada Soomaaliyeed dalka Australia iyo Xidigaha Gobolka Banaadir oo galabta ku balansan Banadir Stadium

(Soomaaliya) 06 Dis 2018. Kulan ciyaareed xiiso badan ayaa galabta wuxuu ka dhici doona garoonka Banadir Stadium ee Degmada Cabdicasiis, kaa oo u dhaxeeyay Kooxda Melbourne ee jaaliyada Soomaaliyeed dalka Australia iyo Xidigaha Gobolka Banaadir.
Kooxda jaaliyada magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa maalintii shaley aheyd soo caga dhigatay Caasimada magaalada Muqdisho iyaago si heer saro loo soo dhaweyay, waxaana soo dhaweynta xidigahan ka qeyb galay,Wasaarada Dhalinyarada Iyo Isboortiga oo ay horkaceyso Wasiirka Wasaarada Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, Gudoomiyaha Gobolka Banadir ahna duqa magaalada muqdisho Mudane Eng Cabdiraxmaan Yariiso , gudoomiye ku xigeenka xiriirka kubadda cagta soomaaliyed mudane Cali Shiine, Gudoomiyaha Arimaha Bulshada Gobolka Banadir Marwo Basmo, Talyaha Ciidanka asluubta Soomaaliyed Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, Gudoomiyaha Ciyaaraha Gobolka Banadir Mudane Xasan Wiish Iyo Masuuliyeen kale.
Ka hor inta aysan imaan magaalada Muqdisho waxey kulan saaxiibtinimo la soo ciyaareyn koox ka dhisan magaalada kismaayo ee Gobolka Jubada hoose.
Xidigahan matalaya jaaliyada magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa galabta waxey dheeli doonan kulankooda ugu horeya ee saaxiibtinimo iyado la ciyaari doona xidigaha sanadkan matali doona Gobolka Banadir.
Sida uu inuu xaqiijiyay gudoomiyaha ciyaaraha Gobolka Banadir Mudane Xasan Wiish ciyaartoydan ayaa baaqi ku sii ahaan doona caasimada Magaalada Muqdisho mudo 10-maalmood.
Ciyaartoyda Jaaliyada magaalada Melbourne ee dalka Australia inta ay joogan caasimada magaalada muqdisho waxey kulamo saaxiibtinimo la yeelan doonan Kooxaha kala ah, Xidigaha Gobolka Banadir oo ay maanta la dheeli doonan, Degmada karaan oo xili habeen ay wada ciyaari doonan iyo kooxda Midnimo, saddexdaas kooxod ayee wajihi doonan mudada 10-ka maalmood ay joogan dalka.
Kadib waxey u amba bixi doonan magaalada Beydhabo ee caasimada Gobolka Bay.
Ma ahan markii ugu horeysay ay kooxdan imaato caasimada magaalada Muqdisho sanadkii hore aye timid iyado kulamo saaxiibtinimo la qaadatay kooxaha dalka.
Ogeysiis kulanka:
Tartanka: Friendly Mach
Kooxaha: Xidigaha Gobolka Banadir vs Ciyaartoyda Jaaliyada Magaalada Melbourne ee dalka Australia.
Garoonka: Banadir Stadium
Saacada: 3:30.
W/Q: C/fitaax Naani
Gool FM.