Denis Suárez oo si maldahan u sheegay suurtagalnimada uu kaga dhaqaaqi karo kooxda Barcelona

(Barcelona) 06 Dis 2018. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Barcelona Denis Suárez ayaa si maldahan u sheegay in laga yaabo inuu ka dhaqaaqo garoonka Cump Nou suuqa furmi doono bisha Janaayo ee soo aadan.

Denis Suárez ayaa saxiixiisa lala xiriirinayaa kooxaha AC Milan iyo Chelsea, waxayna doonayaan inay kaga faa’ideysataan maadaama uusan boos joogta ah ku heysan safka kooda Barcelona.

24 jirkan reer Spain ayaa kasoo muuqday xili ciyaareedkan safka kooxda Barcelona kaliya 3 kulan, balse wuxuu dhaliyay 2 gool kulankii ay xalay kula ciyaareen kooxda Leonesa Copa del Rey, kaasoo ay Barca guusha ku raacday 4-1.

Shabakada Sky Sports ayaa sheegtay in Chelsea ay ka mid tahay kooxaha sida weyn u xiiseenaya adeega ciyaaryahanka reer Spain iyadoo Blues ay isku diyaarineyso inay 45 milyan ginni ku dalbato saxiixa Denis Suárez.

Denis Suárez ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda Barcelona.

“Waxaan u shaqeenayaa maalin kata si aan u ciyaaro, balse hadii aanan si joogta ah u ciyaarin, waan arki doonaa waxa dhaca bisha Janaayo”.

“Waxaan doonayaa inaan ciyaaro, kulankii Leonesa wuxuu ahaa mid xiiso badan, waxaana dareemay inaan bixiyay qaab ciyaareed fiican, sidaasi darteed waxaan doonayaa inaan si joogto ah u ciyaaro”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close