“Waan ka qoomameynayaa xirashada maaliyada kooxda Liverpool” _ El Hadji Diouf

(Liverpool) 05 Dis 2018. Laacibkii hore reer Senegal El Hadji Diouf ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inuu si weyn kaga qoomameenayo xirashada maaliyada kooxda reer England ee Liverpool.

El Hadji Diouf ayaa dhinaca kale xaqiijiyay in hadii waqtiga dib loo soo celin lahaa uu dooran lahaa inuu u ciyaaro midkood kooxaha Manchester United ama Barcelona.

Laacibka reer Senegal ayaa Liverpool u dhaqaaqay xilli ciyaareedkii 2002/2003, isagoo kaga soo dhaqaaqay kooxda reer France ee Lens aduun dhan 10 milyan oo ginni, kadib bandhigii cajiibka ahaa uu ka sameeyay koobkii aduunka ee 2002-dii ka dhacay dalka Japan.

Laakiin El Hadji Diouf ayaan ku soo bandhigin qaab ciyaareed fiican kadib imaatinkiisa kooxda Liverpool, kadib markii uu dhaliyay 6 gool oo kaliya 2-dii xili ciyaareedk uu joogay garoonka Anfield.

Hadaba El Hadji Diouf oo wareysi ku bixiyay shabakada “Sky Sports” ayaa wuxuu kaga warbixiyay sida uu kaga qoomameenayo inuu xirto maaliyada kooxda Liverpool.

“Hadii dib loo soo celin lahaa waqtiga, waan diidi lahaa inaan u dhaqaaqo kooxda Liverpool, waxaan ku biiri lahaa Manchester United ama Barcelona oo xiligaas doonayay saxiixeyga”.

Waxaa xusid mudan in laacibkii hore xulka qaranka Senegal El Hadji Diouf uu ka fariistay ciyaarista kubada cagta sanadii 2015.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close