RASMI: Madixii hore ee Fulinta Arsenal Ivan Gazidis oo loo Magacaabay Goddoomiyaha Cusub ee AC Milan

(Milan) 05 Dis 2018. Naadiga AC Milan ayaa ku dhawaaqday Ivan Gazidis uu yahay guddoomiyaha Cusub ee kooxda iyagoona Magacaabistiisa ku sheegay Astaan cad oo ku aadan Hamigooda.

Madaxda sare ee Milan ayaa magacaabay Gazidis saakay oo Arboco ah intii lagu guda jiray kulan uu xafiisyada kooxda kula yeeshay Saamileyda Milan.

Warbixin Rasmi ah oo la soo dhigay bogga kooxda reer Talyaani ayaa lagu sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin Magacaabista Madixii hore ee Fulinta Arsenal isla markaana ay tani Astaan muuqata u tahay hamigooda mustaqbalka dhow iyo kan fog.

Heshiiska Cusub uu Gazidis ku joogi doono Arsenal ayaa taagnaan doona tan iyo 30-ka bisha June 2020.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close