“Laguma difaaci karo Neymar Jr waaxa uu sameenayo” – Pele

(Brazil) 05 Dis 2018. Halyayga reer Brazil ee Pelé ayaa xaqiijiyay in xidiga ay isku dalka kasoo wada jeedaan ee kooxda Paris Saint-Germain Neymar Jr aan lagu difaaci Karin, sababa la xiriira hab jiliinka uu ku sameenayo inta uu ku gudi jiro kulamada uu i ciyaarayo.

26 jirkan ayaa si aad ah loogu dhaleeceeyay, sababa la xiriira qaab jiliinkiisa kulamadii koobka aduunka 2018 ee dalka Russia uu kaga soo muuqday xulkiisa qaranka Brazil,

Pele ayaa dhinaca kale tilmaamay in Neymar Jr aysan wanaagsaneen inuu diirada saaro dhaqamada noocan oo kale, isla markaana ay haboon tahay inuu inbadan ku tiirsanaado awoodiisa ciyaareed.

“Neymar Jr wauxuu ahaa mid nasiib daran sababtoo ah Brazil ma aysan ku guuleysan Koobka Adduunka, gaar ahaan xili uu kala qeyb galay 2 koob aduun”.

“Waan la hadlay isaga, wax walbana waan u sharaxay, waxaan u sheegay inuu heysto awood iyo tayo wanaagsan ee kubada cagta, isla markaana aan loo baahneyn inuu falalkan oo kale sameeyo”.

“Way adag tahay in la difaaco Neymar ka dib markii uu sameeyay matalaad fara badan koobkii aduunka 2018, waxaan la hadlay isaga, si aan ugu sheego in uu heysto awood sare ee kubada cagta”.

“Waxaan qabaa in Neymar uu yahay ciyaaryahan fiican ee aad u dhameystiran, laakiin yurub waxay in badan ka hadlaan arimo ku saabsan Kylian Mbappé”.

“Waxaa jirta hal arin aan ka wada simanahay aniga iyo da’ayarka reer France Mbappé, waana inuu ku guuleestay koobka aduunka isagoo jira da’aada 19-aad”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close