Laacibiinta u Sharaxan Abaalmarinta cayaariyahanka Bisha ee Premier League oo lasoo saaray…iyo City oo ku leh Xiddigaha ugu Badan

( Premier League ) 05 Dis 2018. Seddaxda cayaariyahan ee Manchester City Raheem Sterling, Leroy Sane iyo David Silva ayaa kamida xiddigaha u tartamada laacibka bishii November ee horyaalka Premier League.

City ayaa guuleystay dhammaan seddaxdii kulan ay horyaalka dheeshay bishii lasoo dhaafay, iyagoo dhaliyay 13-gool kulamadaa.

Waxay lix gool ku xaaqeeyn Southampton ka hor inta aysan garaacin kooxday coltamaan ee United kulankii derby Manchester ee ka dhacay Etihad iyo kulankii u dambeeyay bishaa oo ay 4-0 guula ka gaareen West Ham.

Laacibka heerka caalami ee dalka England Sterling ayaa ahaa mid sameeyay bandhig halisa wuxuuna dhaliyay 3-gool kulamadaas, halka uu abuuray 3-caawin.

Image result for Premier League player of the month nominees revealed for November

Dhanka kale Sane ayaa qudhiisa muujiyay cayaar wanaagsan taaso lamida tii kal cayaareedkii hore isagoo laba gool ka dhaliyay West Ham, halka horeyna uu gool kaga xareeyay Southampton.

Silva, oo xagaagan ah kabtanka kooxda, ayaa gool dhaliyay dhammaan seddaxda cayaar ee naadiga horyaalka xafidaneysa dheeshay bishii hore.

Daafaca Liverpool Andy Robertson ayaa sido kale kamida laacibiinta ku tartamaya abaalmarinta bisha November.

Nin reer Scotland ayaa ka caawiyay kooxdiisa iney ahaato guuldarro la’aan kulamda bishaas waxaana kamida laba kulan oo shabaqa ay ilaashatay seddaxda dheel oo ay cayaartay.

Saxiixa xagaagii ee kooxda West Ham Felipe Anderson ayaa kamida musharaxiinta tartamaya kaddib markii uu u dhaliyay seddax gool naadigiisa.

Laacibka Brazil ayaa guul 4-2 ku hogaamiyay kooxdiisa kulankii Burnley ka hor inta uusan gool ka dhalin dheeshii Huddersfield.

Laacibka qadka dhexe Tottenham Moussa Sissoko iyo daafaca bidix ee Everton Lucas Digne ayaa dhameystiray liiska todobada musharx ee jaa’izada laacibka bisha.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close