“Ku guuleysiga Modrić abaal marinta Ballon d’Or 2018, waxay Cristiano ku dhiiragalin doontaa inuu ku guuleysto markiisii LIXAAD” – Allegri

(Juventus) 05 Dis 2018. Macalinka kooxda Juventus Massimiliano Allegri ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo uu u qalmay ku guuleysiga abaal marinta Ballon d’Or 2018, taasoo dhawaan loo caleemo saaray xidiga reer Croatia ee Luka Modrić.

Massimiliano Allegri ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “CalcioMercato” ee dalka Talyaaniga wuxuu kaga hadlay sida uu Cristiano ugu xaq lahaa ku guuleysiga abaal marinta Ballon d’Or 2018.

“Cristiano Ronaldo wuxuu u qalmay ku guuleysiga abaal marinta Ballon d’Or 2018, sababtoo ah wuxuu kula soo  guuleystay kooxda Real Madrid tartanka Champions League”.

“Laakiin ku guuleysiga Luka Modrić ee abaal marinta Ballon d’Or 2018, waxay noqon doontaa mid ku dhiiragalisa Ronaldo inuu sii fiicnaado, islamarkaana uu ku guuleysto Ballon d’Or markiisii lixaad taariikhda xirfadiisa kubada cagta isagoo ku sugan kooxda Juventus”.

“Wuxuu sii kordhiyay xirfadiisa, waa ciyaaryahan muhim ah, wuxuu yimid kooxda, si fiican ayuuna ula qabsaday”.

“Cristiano wuxuu tusaale u yahay dhalinyarada, inkastoo uu guulo ku gaaray da’ada 33 sano, laakiin weli waxa uu daryeelaa dhammaan faahfaahinta dhinacyada kal duwan”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close