Fabinho oo dhulka ku jiiday saxaafada kadib markii …

(Premier League) 05 Dis 2018. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Brazil Fabinho ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay inuu ka qeyb galo kulankii Merseyside derby ay kooxda Everton guusha kaga gaareen 1-0.

Fabinho ayaa ahaa ciyaaryahan aan muhiim ka ahayn kooxda kadib imaatinkiisa, waxayna saxaafada sheegtay in laacibka reer Brazil uu ka tagayo garoonka Anfield suuqa furmi doono bisha Janaayo.

Laacibka reer Brazil ayaa kaga soo dhaqaaqay Liverpool kooxda Monaco aduun dhan 50 milyan oo euros suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay, balse Fabinho ayaa beeniyay inuu doonayo ka tagista xiligaan ee garoonka Anfield.

“Weligay weydiisan maayo inaan ka tago Liverpool, sida ay buun buunisay saxaafada”.

“Saxaafada waxay si aan daacad ahayn kaga hadashaa waxyaabo badan, balse waxay sheegto waa inaan u dul qaataa, way imaan doontaa fursadeyda, balse waxay si qaldan u fahmeen hadaladii aan sheegay”.

“Uma maleenayo inay jirto sabab macquul ah ee aan ugu fikirayo inaan ka tago kooxda Liverpool, mudo yar kadib imaatinkeyga, aad ayaan ugu faraxsanahay inaan la saaxiibo ciyaartoyda halkan ku sugan, islamarkaana jawiga halkan waa mid cajiib ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close