Unai Emery oo War kasoo saaray Dhaawaca Mesut Ozil iyo Haddii uu dheeli karo kulanka Manchester United

( London ) 04 Dis 2018. Unai Emery ayaa hubin haddii Mesut Ozil uu taam noqon doono kulanka Arsenal ay Premier League la cayaareyso Manchester United bartamaha todobaadkan.

The Gunners ayaa wajaheysa kooxda Jose Mourinho habeenimada Arbacada laakiin markale waxaa ka maqan Ozil, kaddib markii uu seegay kulankii guusha ka gaareen Tottenham ee north London derby.

Emery ayaa sheegay in Ozil uu yahay mid la dhiban dhaawac dhabarka todobaadkii lasoo dhaafay isagoona tababar sameyay nafsad ahaantiisa.

Image result for Unai Emery provides Mesut Ozil injury update ahead of Manchester United clash   Read more: https://metro.co.uk/2018/12/03/unai-emery-provides-mesut-ozil-injury-update-ahead-of-manchester-united-clash-8203436/?ito=cbshare  Twitter: https://twitter.com/MetroUK | Facebook: https://www.facebook.com/MetroUK/

Maamulaha Arsenal ayaa yiri: ‘ Wuxuu qabaa xanuun dhabarka ah ilaa talaadadii lasoo dhaafay. Ma uusan cayaarin kulankii Kiev ama kii Derby.

‘Waqti xaadirkaan, Ma garanayo haddii uu cayaari karo kulankan. Maanta wuxuu ahaa mid kaligii shaqeynayay, Ma garanayo haddii uu taam u noqonayo cayaarta Arbacada.’

Arsenal ayaa 4-2 ugu awood sheegatay Tottenham taasoo Gunners ay kusii dheereysatay kulamadeeda guuldarra la’aanta waana kuwa aan laga badin 19-kulan oo xariira dhammaan tartamada waxayna dhibic ka horreyaan Spurs dhanka kala sareynta iyagoo ku jira booska afaraad.

Manchester United ayaa ku fashilmatay iney garaacdo Southampton iyo Crystal Palace labadii todobaad ee lasoo dhaafay waxayna fadhiyaan dhanka kala horeynta kaalinta 7-aad.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close