Muxuu Drogba ka yiri in Aubameyang uu Xaday Dabaal degiisii Caanka ahaa kaddib 2-adii Gool uu ka dhaliyay Tottenham!!?

(London) 04 Dis 2018. Pierre-Emerick Aubameyang ayaa wacdaro dhigay ciyaartii dhaweyd ay Arsenal 4-2 uga adkaatay dariskooda Tottenham kaddib markii uu labo gool ka xareeyay.

Dhaliyaha reer Gabon ayaa sameeyay Dabaal degga uu caanka ku yahay halyeygii hore ee Didier Drogba mar uu u dabaal degayay gool cajiib ah uu ka xareeyay Spurs.

40-jirka oo dhawaan ka fariistay ciyaaraha ayaa basrtiisa Istagram soo dhigay:

“Marka uu walaalkaa kaa yar sameeyo dabaal degaaga, #Baalasha ballaari,”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close