ARAG: Safafka ay Habeen dambe ku soo gali karaan Man United iyo Arsenal…(Xiddig Muhiim ah oo ka maqan Gunners iyo Mourinho oo wayn doona Laacibiin badan)

(London) 04 Dis 2018. Man United oo ay ka jajaban tahay ayaa habeen dambe Old Trafford ku marti qaadeysa Arsenal oo wacdaro ku soo dhigtay Tottenaham kulankii Derby London oo ay kaga soo adkaatay 4-2.

Jose Mourinho ayaa mashaqo cagaha kula jira oo cadaadiska saaran shaqadiisa waxaa u dheer in xiddigo badan ay dhaawacyo ka qabaan.

Daafacyada dambe ee United Chris Smalling, Eric Bailly iyo Victor Lindelof ayaa dhammaan dhaawacyo qaba, Phil Jones, Antonio Valencia iyo Matteo Darmian iyana shaki ayaa laga muujinayaa taam ahaanshahooda.

Halka Ashley Young uu ganaax shan jaale ah kulanka ku seegi doono.

Intaa oo kaliya ma ahan oo waxaa sidoo kale Man United dhaawac uga maqnaan doono Alexis Sanchez, waxaana shaki laga muujinayaa Rashford iyo Lukaku.

Laakiin Mourinho wuxuu ku adkeysanayaa in Rashford uu kulanka habeen dambe taam u yahay.

Dhanka Arsenal waxaa shaki laga muujinayaa Ozil, laakin waxaa ganaax shan jaale ah uga maqnaan doona Grant Xhaka.

Haddaba EEG SAFAFKA ay habeen dambe ku soo gali karaan Man United iyo Arsenal:

MAN UNITED:

Man Utd team news Arsenal predicted line up

ARSENAL:

Arsenal team news Man Utd predicted line up

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close