Waa Maxay Ballon d’Or, Imise Saac ayaa caawa la bixinayaa, Yaa ugu Cad Cad inuu ku guuleysto…..(XOG DHAMMEYSTIRAN)

(Europe) 03 Dis 2018. Waxaa caawa la bixin doonaa abaal marinta Kubbada Dahabka ee Ballon d’Or Nuqulkeedii 63-aad.

Haddaba waxaan halkan idin kugu heynaa Xog dhammeystiran oo ku saabsan xaflada caawa:

Waa Maxay Ballon d’Or?

Ballon d’Or waxaa bixinayay Jariiradda France Football tan Iyo 1956, Ninka u dhashay dalka Ingiriiska ee Stanley Matthews ayaa ah laacibkii ugu horreeyay ee ku guuleysta abaal marintan.

Waxaa abaal marintan ku tartami jiray xiddigaha u dhashay Yurub oo kaliya tan Iyo 1995, kolkaa oo la ballaariyay iyadoona lagu soo daray inay u tartamaan dhammaan xiddigaha u ciyaara kooxaha ka dhisan Yurub xitaa haddii uu Afrikaan yahay. 2007 ayaa intaa laga sii ballaariyay oo adduunka dhan loo furay.

Ballon d’Or Iyo FIFA ayaa isku biiray sanadihii u dhexeeyay 2010 ilaa 2015, balse way kala go’een iminka oo mid kasta abaal marin u gaar ah ayuu bixiyaa oo Xiriirka kubbada Cagta adduunka ee FIFA wuxuu bilaabay abaal marin la magac baxday FIFA THE BEST oo ay bilaabeen 2016.

Xiddiga ku guuleysanaya Ballon d’Or waxaa u codeenaya Saxafiyiin ka yimid daafaha caalamka iyadoo uu saxafi kastana matali doono hal dal.

Ma Ogtahay in France Football ay sanadkaan soo kordhisay labo abaal marin kale oo aan ahayn Ballon d’Or kuwaa oo Iyana caawa la bixin doono:

Waxaa caawa sidoo kale la bixin doonaa Ballon d’Or u gaar ah Dumarka Iyo waliba abaal marinta  Kopa Trophy  oo ay ku tartami doonaan xiddigaha ay da’doodu ka yartahay 21-jirada.

Gooma ayaa la bixinayaa Abaal Marinta Ballon d’Or?

Waxaa la bixin doonaa caawa 3-da December iyadoo ay xafladu bilaaban doonto 10:00 Habeenimo.

Halkee ka dhaceysaa Xafladda?:

Waxa ka dhici doontaa caasimadda Faransiiska ee Paris goobta lagu magacaabo Grand Palais.

Waa kuwee Xiddigaha ku tartamaya?:

Sergio Aguero (Manchester City)
Alisson Becker (Roma/Liverpool)
Gareth Bale (Real Madrid)
Karim Benzema (Real Madrid)
Edinson Cavani (PSG)
Thibaut Courtois(Chelsea/Real Madrid)
Cristiano Ronaldo (Real Madrid/Juventus)
Kevin de Bruyne (Manchester City)
Roberto Firmino (Liverpool)
Diego Godín (Atletico)
Antoine Griezmann(Atletico)
Eden Hazard (Chelsea)
Francisco Alarcón ‘Isco’ (Real Madrid)
Harry Kane (Tottenham Hotspur)
N´Golo Kante (Chelsea)
Hugo Lloris (Tottenham Hotspur)
Mario Mandzukic (Juventus)
Sadio Mane (Liverpool)
Marcelo (Real Madrid)
Kylian Mbappe (PSG)
Ivan Rakitic (FC Barcelona)
Mohamed Salah (Liverpool)
Sergio Ramos (Real Madrid)
Luis Suarez (FC Barcelona)
Raphael Varane (Real Madrid)

Yaa ugu Cad Cad inuu ku guuleysto Ballon d’Or Caawa?

Dadka wax saadaaliya Iyo saxafiyiin badan ayaa isku raacay in Luka Modric uu caawa la tagi doono Kubbada Dahabka kaddib markii uu horey ugu soo guuleystay Laacibka Yurub Iyo waliba Abaal marinta FIFA the Best.

Haddii ay dhacdo sida la filayo waxay noqon doontaa in markii ugu horreysay toban sano kaddib la soo afjaro sheekad Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo oo Abaal marintan xoog ku heystay.

Yaa Caawa daadihin doona Xafladda Ballon d’Or?

Laacibkii hore ee Xulka France Iyo Tottenham David Ginola ayaa xariirin doona xaflada caawa.

Yaa u sharaxan Abaal marinta Ballon d’Or ee Dumarka?

  • Lucy Bronze (Lyon)
  • Pernille Harder (Werder Brême)
  • Ada Hegerberg (Lyon)
  • Amandine Henry (Lyon)
  • Lindsey Horan (Portland Thorns)
  • Fran Kirby (Chelsea)
  • Sam Kerr (Red Stars Chicago)
  • Saki Kumagai (Lyon)
  • Amel Majri (Lyon)
  • Dzsenifer Marozsan (Lyon)
  • Marta (Orlando Pride)
  • Lieke Martens (Barcelona)
  • Megan Rapinoe (Seattle Reign)
  • Wendie Renard (Lyon)
  • Christine Sinclair (Portland Thorns)

Waa kuwee xiddigaha ku tartamaya Abaal marinta Kopa Trophy ee Xiddigaha ay da’doodu ka yartahay 21-jirada?

  • Trent Alexander-Arnold (Liverpool/England)
  • Houssem Aouar (Lyon/France)
  • Patrick Cutrone (AC Milan/Italy)
  • Ritsu Doan (Groningen/Japan)
  • Gianluigi Donnarumma (AC Milan/Italy)
  • Amadou Haidara (Red Bull Salzburg/Mali)
  • Justin Kluivert (AS Roma/Holland)
  • Kylian Mbappe (Paris Saint-Germain/France)
  • Christian Pulisic (Borussia Dortmund/USA)
  • Rodrygo (Santos/Brazil)

W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close