Pierre-Emerick Aubameyang oo markii ugu horreysay ka hadlay Qobkii Mooska ee lagu soo tuuray

(London) 03 Dis 2018. Aubameyang ayaa markii ugu horreysay ka hadlay taageerihii ku soo tuuray qobka mooska.

Dhacdada ayaa dhacday markii uu dhaliyaha reer Gabon uu ku dabaal degay taageerayaasha Tottenham hortooda kaddib gool uu dhaliyay ciyaartii ay 4-2 uga adkaadeen Spurs.

Taageerihii qobka mooska ku soo tuuray Aubameyang ayaa durba la gartay waxaana xiray Booliska waxaana la sheegayaa in iminka la ganaaxay.

Yeelkeede, weeraryahankii hore ee Dortmund ayaa bartiisa Instagram uga hadlay dhacdada, wuxuu soo dhigay Sawir uu hortiisa ka muuqdo qobka Mooska ah wuxuuna soo raaciyay qoraal u dhacayay:

 

View this post on Instagram

 

#whysmandoingthis ? 🍌

A post shared by Aubameyang (@aubameyang97) on

“Muxuu qof sidaan u sameynayaa?.

Gunner ayaa Arbacada la ciyaari doonta Manchester United oo xaalad adag ku jirta.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close