Madaxwaynaha Xiriirka Kubbada Cagta Soomaalia Cabdiqani Saciid Carab iyo midka CAF oo ku wajahan Dalka Eritrea….(Muxuu yahay u jeedka??)

(Muqdisho) 03 Dis 2018.  Ku simaha guddoomiyaha xiriirka CECAFA ahne guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Soomaaliya C/qani Saciid Carab iyo Madaxweynaha CAF  Axmed Axmed ayaa lagu wadaa in maalinta bari ay kulan yeesheen madaxda dalka Eratareya.

Ujeedka kullankaas ayaa ah sidii dalkaasi uu ugu soo muuqan lahaa doorka marti gallinta tartamada kala duwan ee guud ahaan qaaradda Afrika, sida uu inoo sheegay Shaafici Isloow oo ah agaasimaha warfaafinta xiriirka kubada cagta Soomaaliya.

Kaliya 2010 ayee aheyd markii uu dalkaasi marti galiyay tartanka 20 jirada ee  CECAFA,  waxaana laga shaqeenayaa sidii door muuqda wadankaas ugu qaadan lahaa hormarka kubadda cagta Afrika.

C/qani Saciid Carab iyo Axmed Axmed ayaa ku sugan magaalada Kinshasa ee DR Congo, waxaana lagu wadaa in caawa ay gaaraan caasimadda Itoobiya ee  Addis Ababa.

Isla bari aye u amba bixi doonaan Asmara  waxa ayna  la kulmi doonaan madaxweynaha dalkaasi Isias Afewerki iyo guddoomiyaha   Xiriirka kubada cagta Eratareya.

Jaffar Mutasim ayaa ahaa guddoomiyaha xiriirka bariga iyo Bartamaha Afrika, balse  waqtigiisa ayaa dhacay, waxaana iminka xilkaasi sii haya C/qani Saciid Carab.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close