“Ka garab ciyaarista Lionel Messi wax walba waa sahal”

(Barcelona) 03 Dis 2018. Laacibka kooxda Barcelona ee Carles Alena ayaa sheegay in ka garab ciyaarista saaxiibkiis Lionel Messi ay wax walba sahlan ka dhigi karto.

Dhinaca kale Carles Alena ayaa tilmaamay in goolkii uu xalay kaga dhaliyay kooxda Villarreal garoonka Cump Nou inay kaga dhigan tahay riyo u rumoowday.

20 jirkan ayaa ku soo galay qaab badal ah daqiiqadii 70-aad ee qeybta labaad kulankii xalay Villarreal ee ka tirsanaa kulamada 14-aad ee horyaalka La Liga, wuxuuna dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta, xili kulanka uu ku soo idlaatay 2-0.

Carles Alena ayaa ciyaarta kadib la hadlay wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain wuxuuna kaga warbixiyay dhowr arimood.

“Aniga ahaan, goolkii aan ku dhaliyay Cump Nou waa riyo ii rumoowday”.

“Ka garab ciyaarista Lionel Messi wax walba way kuu noqonayaan fudeed, wuxuu kubada ku baasay meesha uu doonayay iyo aragti cajiib ah, kadib waxaan dhaliyay goolka”.

“Waxaan isku dayi doonaa inaan ka faa’ideysto fursad kasta ee aan ka helo kooxda koowaad, waxaana rajeynayaa inaan fursado badan ka helo kulamada soo socda”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close