Aubameyang oo digniin culus u diray Manchester United, ka hor kulanka Arbacada

(Premier League) 03 Dis 2018. Weeraryahanka reer Gabon iyo kooxda Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang ayaa digniin u diray Manchester United, kahor kulanka ay labada kooxood ku wada ciyaari doonaan habeenka Arbacada soo aadan horyaalka Premier League.

Kooxda Manchester United ayaa kusoo dhaweyn doonta dhigeeda Arsenal garoonka Old Trafford, si ay u wada ciyaaraan kulan ka tirsan kulamada 15-aad ee horyaalka Premier League.

Aubameyang ayaa kahor kulankan wareysi uu bixiyay wargeyska Mirror wuxuu kaga hadlay kulankan Arbacada ee Manchester United,

“Waxaan qabaa in ilaa iyo haatan qaab ciyaareedkeyga uusan gaarin 100%”.

“Waxaan dareemay inaan fiicanahay kulankii Tottenham, kaasoo ay 4-2 guusha ku gaartay kooxda Arsenal”.

“Waan faraxsanahay, sababtoo ah wali ma aanan bixinin qaab ciyaareedkeygii fiicanaa, waxaan ka war qabnay in hadii aan guul ka gaarno Tottenham aan u gudbi doono kaalinta 4-aad ee dhanka kala sareynta, waana sameenay”.

“Wax sahlan ma ahan inaan guuleysano kulankii London derby, waxaan u baahanahay inaan sii wadno guulaha aan gaareyno, si aan kalsooni u helno”.

“Waa inaan u tagnaa garoonka Old Trafford si aan u badino”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close