Real Madrid oo kusoo dhawaatay Hogaanka La Liga Kaddib guul ay ka gaartay Valencia+SAWIRRO

( La Liga ) 02 DEC 2018. Real Madrid ayaa 3-dhibcood u jirta hogaamiyaasha La liga ee Sevilla kaddib guul 2-0 oo ay kaga gaareen Valencia garoonkooda Bernabeu.

Qeybta hore cayaarta ayaa lagu kala maray 1-0, waxaana dhacday in Real ay hogaanka dheesha qabatay kaliya cayaarta oo socota 8-daqiiqo kaddib ku kama ah uu iska dhaliyay laacibka Valencia Daniel Wass.

Waxaana ugu dambeyn Lucas Vazquez ayaa xili dambe u dhaliyay goolka labaad waana guushii lixaad uu kooxda ku hogaaminayo Santiago Solari todoba dheel uu maamulay tan iyo markii xilka loo dhiibay bishii October.

Gareth Bale ayaa laga badbaadiyay kubbad halis aheyd iyadoo goolhayaha Valencia Neto uu si qurux badan kaga saaray goolkiisa,

Sido kale dhan Madrid waa mar horaanta kulanka aheyd gool ku dhawaaday Karim Benzema kaddib kubbad aan dhulka dhicin uu goolka ku bartilmaameedsaday.

Valencia halka fursad ee ugu qaalisan kulanka waxay aheyd kubbad uu 10- yards ka ka darbeeyay Santi Mina laakiin ma suura galin xittaa iney goolka calanka helaan.

Natiijada sawirka Real Madrid 2-0 Valencia

Sawirka la xidhiidha

Sawirka la xidhiidha

Sawirka la xidhiidha

Natiijada sawirka Real Madrid 2-0 Valencia

Natiijada sawirka Real Madrid 2-0 Valencia

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close