Maxay tahay Sababta Ozil xitaa keydka looga waayay kalanka Arsenal iyo Tottenham?

(London) 02 Dis 2018. Mesut Ozil ayaa laga reebay safka Arsenal oo xitaa keydka lama soo dhigin ciyaarta iminka ay Arsenal Emirates kula yeelaneyso kooxda Tottenham.

Kubbad qaabeeyaha reer Germany ayaa keydka lagu cabay ciyaartii ay Gunners usbuucii tagay u safartay Bournemouth, iyadoo uuna macalinka sheegay inuu sababo farsamo keydka ugu cabay taa oo shaki galisay mustaqbalka Ozil ee Arsenal.

Yeelkeede, Laacibka ayaa la sheegayaa in sababo dhaawac dhabarka dartii looga soo tagay kulanka iminka dhex maraya Gunners iyo Spurs.

“Ozil wuxuu qabaa xanuun dhabarka ah, dhaawacana maanta oo kaliya maaha,” Tababare Emery ayaa sidaa u sheegay Sky Sports inta uusan kulanku bilaaban.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close