Kooxda Liverpool oo guul dirqi ah kaga gaartay Everton kulankii xiisaha badnaa ee Merseyside derby+ SAWIRO

(Premier League) 02 DEC 2018. Kooxda Liverpool ayaa guul dirqi ah kaga gaartay kooxda Everton garoonka Anfield kulankii xiisaha badnaa ee Merseyside derby, kadib markii ay ku adkaadeen 1-0.

Labada macalin Jürgen Klopp iyo Marco Silva ayaa shaxaha rasmiga ah ay kulankan ku soo bilaawdeen ayaa ahayd:

Liverpool: Alisson Becker, Van Dijk, Gomez, Arnold, Robertson, Fabinho, Shaqiri, Wijnaldum, Salah, Mane, Firmino.

Everton: Jordan Pickford, Coleman, Keane, Mina, Digne, Gomes, Sigurdsson, Walcott, Gueye, Bernard, Richarlison.

Kulanka ayaa qeybta hore lagu kala nastay barbaro 0-0 kadib markii ay labada kooxood Liverpool iyo Everton ku guuldareysteen inay iska dhaliyaan wax goolal ah.

Dib markii loogu soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta labada dhinac Liverpool iyo Everton ayaa sameeyay dhawr isku dayo oo goolka ah, balse ma aysan u suuragalin.

Wiilasha Jürgen Klopp ee Livepool oo doonayay in kulankan adag ee Merseyside derby ay ka qaataan saddexda dhibcood ayaa u muuqday kuwo ay xaalada ku adag tahay.

Laakiin daqiiqadii 90-aad kooxda martida loo ahaa ee Liverpool ayaa si nasiib leh ku heshay goolka guusha waxaana u dhaliyay Divock Origi oo ciyaarta ka dhigay 1-0.

Ugu dambeyn kulankii xiisaha badanaa ee Merseyside derby ayaa ku soo idlaaday 1-0 ay guusha ku gaartay kooxda ku ciyaareesay garoonkeeda Anfield ee Liverpool .

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close