Chelsea oo Guul ay u baahneed ka gaartay Fulham+SAWIRRO

( Premier League ) 02 DEC 2018. Kooxda Chelsea ayaa kusoo laabatay wadada guusha kaddib markii ay 2-0 kaga badiyeen Fulham.

Kulanka ayaa qeybta hore lagu kala maray 1-0 oo ay ku hogaamineysay Blues, waxaana hogaanka u dhiibay Pedro oo caawin cajiiba ka helay Kante daqiiqadii 4-aad.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha labaad labada dhinac ayaa sameeyay dhawr isku day oo goolka ah.

Kooxda Guriga ee Chelsea aysan u suura galin iney goolal badan dhaliso intooda badana waxaa Qatar kasta ka badbaadinayay goolhayaha Fulham.

Laakiin dhammaadka dheesha Chelsea ayaa la timid goolka labaad waxaana u dhaliyay Ruben Loftus-Cheek oo kubbad qurxoon la cayaaray Hazard ka hor inta uusan goolka gaarin.

Chelsea haatan waa kaalinta 3-aad iyagoo leh 31-dhicood waxayna dhibic kaliya ka horreeyaan Tottenham oo la cayaareysa Arsenal.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close