Barcelona oo dib ugu soo laabatay Hogaanka La Liga…+SAWIRRO

(Spain) 02 Dis 2018. Naadiga Barcelona ayaa si ku meel gaar ah u qabatay hogaanka horyaalka La Liga kaddib markii ay 2-0 uga adkaadeen Villarreal.

Qeybtii hore ee dheesha ayaa lagu kala nasay 1-0.

Daafaca reer Spain ee Gerard Pique ayaa hogaanka u dhiibay Barca daqiiqadii 35-aad kaddib markii uu madax ku dhammeystiray kubbad kaga timid Ousmane Dembele.

Dhammaadka ciyaarta daqiiqadii 87-aad ayay Barca goolka labaad ka heshay Carles Alena kubbad uu ka soo shaqeeyay kabtankooda Lionel Messi.

Barcelona ayaa iminka hogaanka La Liga ku heysa 28-dhibcood balse waxaa hogaanka kala wareegi doonta Sevilla haddii ay ka soo adkaato Deportivo Alave oo ay daqiiqado kaddib wada ciyaari doonaan.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close