Aubameyang oo Lagula kacay Fal Cunsirinimo ah…( Maxaa lagu sameeyay )

( Premier League ) 02 DEC 2018. Taageere kooxda Tottenham ah ayaa la xiray kaddib markii uu qolofka muuska kusoo tuuray Pierre-Emerick Aubameyang intii lagu guda jiray kulankii guul-darrada la huwiyay kooxdiisa.

Weeraryahanka Gunners ayaa laba gool dhaliyay cayaartii kooxda Unai Emery ay guusha soo laabashada 4-2 kaga adkaatay naadiga ee coltamaan kulankii North London Derby.

Qolofka Muuska ayaa lagu soo tuuray laacibka heerka caalami ee dalka Gabon intii uu u dabaal dagayay goolka daah furka kulanka kasoo ahaa rigoore wuxuuna ku hor dabaal dagay afka hore ee taageerayaasha Spurs.

Kaamirada TV-ga ayaa soo qabatay sawirrada dhacdadan iyadoo ilaalada garoonka aysan malaha u jeedin falkaa xun.
Police ayaa tagay goobta ay fadhiyeen taageerayaasha iyadoona xiray taageerihii ku tuuray muuska gudaha garoonka.

Balse lama oga haddii ay ku xiran tahay dhacada cusuriminada ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close