Arsenal oo Cashar u dhigtay Tottenham….xilli uu Torreira dhaliyay Goolkiisii ugu horreeyay ee Premier League+SAWIRRO

( Premier League ) 02 DEC 2018. Arsenal ayaa guul soo laabasho ah ka gaartay Tottenham Kulanka North London deryb kaddib markii looga badiyay 4-2.

Cayaarta ayaa qeybta hore lagu kala maray 2-1 oo ay ku hogaamineysay Spurs inkastoo hogaanka dheesha ay qabatay Arsenal waxaana goolka daah furka rigoore ku dhaliyay Pierre-Emerick Aubameyang daqiiqadii 10-aad.

Laakiin markii cayaartu socotay saacad barked Tottenham ayaa la timid goolka bar-baraha waxaana madax ugu dhaliyay Eric Dier.

Waxaana Spurs hogaanka dhankeeda u weeciyay Hary Kane oo gool ku laad u dhaliyay kaddib qalad ay daafaca Arsenal ku galeen Son Heung-min.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha dambe Arsenal ayaa wax ka badan ka badashay dheeshooda iyagoona la wareegay maamulka cayaarta.

Laacibka Pierre-Emerick Aubameyang ayaa goolka bar-baraha u dhaliyay Arsenal markii kulanki socday  daqiiqadii 56-aad.

Intaa kaddib Alexandre Lacazette ayaa hogaanka markale iney qabo kooxdiisa suuragaliyay kaddib markii uu shuud hoose ku hubsaday goolka Spurs taa oo ku dhacday daafaca kooxda Martida.

Balse daqiiqado kaddib Lucas Torreira ayaa goolka afaraad kooxda Gunners u dhaliyay markii uu kubbad maskaxeesay uu daba mariyay goolhayaha Tottenham.

Dhammaadka kulanka daafaca Tottenham ee Jan Vertonghen Ayaa qaatay jaalihii labaad ee kulanka taasoo cayaarta looga saaray .

Arsenal ayaa haatan soo gahsay booska afaraad waxayna lee yihiin 24-dhibcood iyagoo dhanka goolasha kaga horreeya dariskooda Spurs.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close