HORDHAC: AC Milan v Parma

( Serie A ) 02 DEC 2018. AC Milan ayaa soo dhaweyneysa Parma kulamada 14-aad ee horyaalka talyaaniga todobaadkan.

Rossaneri ayaa rajeneysa iney dib ugu soo laabato wadada guusha kaddib bar-baro ay asbuucii hore la gahsya Lazio, xilli Parma booqashadii u dambeysay garoonka San siro ay guul taariikhda ka gaartay Inter Milan.

Ogeysiiska Cayaarta

Tartanka: Serie A

Waqtiga : 02:30 pm ( SGA )

Garsooraha: Giampaolo Calvarese

Garoonka: Giuseppe Meazza

Wararka Kooxaha

Gennaro Gattuso ayaa fileen inuu soo dhaweeyo cayaariyahan kaga soo laabtay dhaawac wuxuuna magacaabi saf lamida kuwii uu ku dheelay todobaadkii hore.

Gonzalo Higuain ayaa ku maqan kulankiisa ugu dambeysa ee ganaaxa laba dheel asbuucan.

Federico Dimarco waa cayaariyahan qura ee laga walaacsan yahy dhaawiciisa kooxda Parma todobaadkan, halka Emanuele Calaiò uu ganaax ku maqan yahay.

Jonathan Biabiany iyo Leo Stulac ayaa la filayaa iney kusoo bilaawdaan kulanka keydka, iyadoo safka kowaad laga doorbidayo  Luca Siliardi iyo Matteo Scozzarella.

Xaqiiqooyinka Dheeshan

Waa jira qiyaastii 2.5 goolal oo ay dhalisay Parma 4-tii kulan ee u dambeysay oo ay marti aheyd horyaalka Serie A.

Si lamida waa la qiyaasayaa 2.5 goolal oo iyaguna ay dhalisay AC Milan 3-dii kulan ee u dambeysay horyaalka.

Shaxda Macquulkaa

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close